Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Israel oo nin Falastiini ku toogtay dhulka la haysto ee daanta Galbeed

Nin Falastiini ah oo hubeysan ayaa la dilay isagoo toogasho ka fulinayay bannaanka deegaanka Yahuudda ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida ay sheegeen maamulka Israa’iil.

Israa’iil ayaa sheegtay iney raadinaysay ninkan oo weerar halis ah geystay 8-dii bishan October kaasoo ka dhacay koontaroolka magaalada Qudus.

Askari ka tirsan ciidamada Israel ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn dhexmartay ninkaas iyo ciidamada amaanka ka hor inta aan la toogan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in ninka la dilay uu mas’uul ka ahaa dilka askari iyo dhaawaca saddex kale weerar hore oo ka dhacay bar-koontarool oo u dhow Shuafat, oo ah xero qaxooti Falastiiniyiintu ka degan yihiin duleedka magaalada Qudus.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Falastiiniyiinta oo ku aadan dhacdadan.

Xiisadda Yuhuuda iyo Falastiiniyiinta ayaa sii xoogeysatay tan iyo markii ciidamada Israa’iil ay billaabeen howlgallada ay ka wadaan Daanta Galbeed dabayaaqadii bishii March kaddib weerarro xiriir ah ay Falastiiniyiintu ku qaadeen Israa’iil kuwaasoo ay ku dhinteen 19 qof. In ka badan 100 falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la dilay sanadkan, inta badan tan iyo markii ay ciidamadu bilaabeen howlgalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddi kor joogteeya Habsami u socodka Arimaha Xajka oo la magacaabay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo ka degay Kigali (Ujeedka)

Caydiid Ali

Dal Somalia deris la ah oo markii ugu horeysay hawada sare u diraya Dayax gacmeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---