Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku nafwaayay qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa xusay in Al-shabaab cadow ku yihiin nolosha iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, yoolkooduna yahay xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka umaddda, isagoo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wadajeestaan jiritaanka Kooxda Alshabab.
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gudoomiyihii hore ee degmada Jalalaqsi Marxuum Maxamed Nuur Dabaashe iyo Duqii Degmada Jalalaqsi Marxuum Aadan Maxamed Ciise oo ka mid haa dadkii maanta ku geeriyooday qaraxii ka kacay xarunta degmada Jalalaqsi.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyay qaraxii galabta ka dhacay buundada degmada Buulo Burde oo ay ku geeriyoodeen dad shacab ah, isagoo tilmaamay in Al-shabaab ay damacsanaayeen inay kala jaraan isu socodka dadka ku nool degmada Buulo Burde.
Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxyadaasi argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com