Kumaankun oo qof oo faraxsan ayaa galabta ku soo dhaweeyay magaalooyinka Birqod, Qabri Dahare iyo Godey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku jooga Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee magaalooyinka maanta uu booqday waxaa ku wehliyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafa Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo la hadlay shacabka ku dhaqan Dhagaxbuur ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu sheegay in walaalahooda Jamhuuroyadda Soomaaliya ay ka doonayaan gacan inay ka siiyaan dagaalka xooggan ee lagu dabargoynta kooxda argagixisada ah ee dhibaatada ku heysa shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa saaka soo maray si diirrana loogu soo dhaweeyay magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Xamse ayaa masuuliyiinta, waxgaradka, culamaa’uddiinka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala hadlaya sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com