Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Hiiraan oo War ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Buulo Burde & Jalalaqsi

WAR-SAXAAFADEED

ARGAGIXISADA NABAD DIIDKA AL-SHABAAB FICILADOODA ARGAGAX GELINTA MA CABSI GELIN DOONAN BULSHADA GOBALKA HIIRAAN.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu Ka Tacsiyeynayaa shuhadadii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Argagixisada ka geysteen Degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan in Alle naxariistiisa jano siiyo inta ku dhaawacantayna ALLE u boogo dhayo  waana ficil ka turjumaya quusta ay taagan yihiin Argagixisada oo awoodooda ay dhamaatay.

Waxuuna u tacsiyeeynayaa Dhamaan shacabkii ku waxyeeloobay labadii qarax ee  Buulo-burde iyo Jalalaqsi oo u ka mid ahaa Alle ha unaxariistee Gudoomiyahii Degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Marxuum Maxamed Cali Nuur Dabaashe iyo shacabkii  ku waxyeeloobay falkii fulaynimada ee Argagixisada Al-shabaab.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu u mahadcelinayaa Laamaha amaanka Degmadda Buulo-burde ee ka Dabatagay ee fashiliyey Qaraxyada qaar ee Argagixisada aay rabeen iney ku dhibaateeyaan shacabka sidoo kalane Toogtay Mid kamida ragii fuliyey qaraxii ka dhacay Bartamaha Buundada Degmadda buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa xusay in la diro tacsi ay tahay mid  Dhamaatay waqti hore Balse Argagixisada fal Walbo oo ay geystaan jawaab cad laga siinayo.

Gobalka Hiiraan waxaa wali ka socdo Howlgaladii ugu Dambeeyey ee lagu soo Afjarayo haraadiga Argagixisada Al-shabaab ku waas oo aay ku Halaagsameen Argagixisada furimaha hore ee Dagaalka Awoodoodane aad loogu wiiqay.

DHAMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN,

Related posts

Soomaali 28 jir ah oo loo doortay duqa Magaalada Sheffield ee dalka Britain (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

War-saxaafadeed cusub oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka kala Wareegay Ra’isul Wasaarihii Hore (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---