Qaraxyo kale ayaa goor dhow ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xarun ay degmadaas ku leeyihiin ciidamada ATMIS ee ka socda Jabuuti.
Qarax kale oo qorshihihiisa ahaa in lagu kala jaro Buundada Jalalaqsi ayaa ka dhacay goob u dhaw Buundada ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada amaanka.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyadan kaasoo soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo goobtaas ka dhowaa.
Warar soo baxaya oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Gudoomiyahii degmada Jalalaqsi Maxamed Dabaashi iyo Masuuliyiin kale ay ku dhawacmeeen qaraxa.
Wax yar ka hor ayey aheyd markii qarax weyn oo gaari loo adeegsaday lagu burburiyey buundadii degmada Buulo Burte oo isku xireysay magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe.
LA SOCO WIXII FAAHFAAHIN AH EE SOO KORDHA