Degmada Buulo-Burde ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa goor dhow ka dhacay qarax weyn oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha degmada buulo-burde ayaa goojoogayaal sheegeen inuu fuliyey gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa, kaasoo lagu burburiyay Buundada degmada kala qeybisa ee dul marta webia Shabelle.
Buundada qeybo ka mid ah ayaa go’aday, waxaana adag in wax gaadiid ah ay isticmaalaan sida ay muujinayaan Sawiro laga soo qaaday halka uu qaraxa ka dhacay, waxaa sidoo kale jira dad dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxa.
Ciidamada ammaanka degmada Buulo-Burde iyo mas’uuliyiin ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale buundada dusheeda yaalla gaari qaraxa ku burburay.
“Argagaxisada Khawaarijta ah ayaa qarax ku bartilmaameedsaday buundada degmada Buula Burte. Waa buundada ugu muhiimsan ee isku xirta gobolada dhexe ee dalka iyo Caasimadda Muqdisho. Waa caddow jabay oo naf lacaari ah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan Golaha shacabka Somalia.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA