Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Gudoomiyaha G/Hiiraan oo u mahad celiyey Maamulka Galmudug

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Deeq taakula ah oo lagu garab Istaagayo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab kala wareeygay masuuliyiinta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Dowlad Gobaleedka GalmudugĀ  oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Galmudug.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa uga mahadceliyey taageerada wanaagsan ee joogtada ah isagoo xusay ineysan aheyn markii koowaad ee ay garab istaagid ka helaan reer Galmudug howlgaladdaĀ  ka dhanka Al-shabaab ee Looga xureynayo Degaanada Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in cid walbo oo Taageero u muujiso xiligaan adag Shacabka reer hiiraan ay Baal dahab ah ugu qornaan doonaan.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa xusay in Howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab ay meelo gebogebo ah marayaan Shacbiga Deegaanada laga saaray ku Noolna ay helayaan dhamaan adeegyadii Dadweynaha iyo sidii Dib loogu abuuri lahaa Horumarkii Degaanka ee burburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiye katirsanaa Al Shabaab oo caawa shaaciyay in uu ka baxay kooxdaasi

Cabdi Cade

Biden oo oo si weyn u kordhiyey tirada Qaxootiga Maraykanku qaato sanad walba

Caydiid Ali

Fadeexad ka dhalatay cod sir ah oo laga duubay Sargaal katirsan Sirdoonka Masar

admin
Taboola Ads ---