Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa magaalada Garawe waxa ay ku qabteen nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu xirnaa dharka dumarka gaar ahaan Xijaab iyo Indho Shareer.
Ninkan xirnaa dharka Dumarka ayaa laga qabtay koontaroolka laga galo magaalada Garawe, waxa uuna ninkan doonayay in uu iska dhigo haween si uu ku galo magaalada Garawe.
Saraakiisha booliiska magaalada Garawe ayaa sheegay in ninkan hada gacanta lagu hayo laguna sameenayo baaritaan, waxaana ninkan looga shakisan yahay in uu doonayay in falal amaanka lidi ku ah ka geesto magaalada Garawe.
Amaanka magaalada Garawe ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana la filayaa in magaaladaasi ka dhacdo munaasabad lagu xusayo aas aaska Puntland, waxaana la filayaa in munaasabadaasi ka qeyb galaan madax uu ku jiro Ra’isul Wasaare Kheyre.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ