Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM si deg deg ah looga saari doono garoonka ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisjho Stadiom oo hada fariisin u ah Ciidamo katirsan AMISOM.
Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha kala duwan gaar ahaan garoomada waa weyn ee kubbadda cagta sida Muqdisho Stadiom.
Waxa uu codsaday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in ciidamada AMISOM si deg deg ah looga saaro garoonka kubada cagta ee Muqdisho dib u dhisna lagu sameeyo garoonkaasi oo ku bur buray dagaaladii dalka.
“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.
Garoonka Muqdisho Stadiom ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu noqday fariisin ciidan, waxaana garoonkaasi hada degan ciidamo katirsan AMISOM, dowlada ayaana marar badan ku guul dareesatay in AMISOM laga saaro garoonkaasi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com