Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa ku booriyay ciidamadiisa inay qabtaan maxaabiis badan, isagoo sheegay in tani ay fududeyn doonto in la sii daayo askartoosa u xiran Ruushka.
Zelenskiy ayaa hadaladiisa jeediyay saacado ka dib markii labada dhinac ay fuliyeen mid ka mid ah maxaabiis isweydaarsiga 218 maxbuus, oo ay ku jiraan 108 dumar ah oo Ukrain ah.
“Waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay guushan, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa dhammaan kuwa xaqiijiya qabashada cadowga,” ayuu ku yiri khudbad uu jeediyey.
“Inta badan ee maxaabiista Ruushka ah ee aan haysano, sida ugu dhakhsaha badan waxaan awood u yeelan doonnaa inaan sii deyno. Askari kasta oo Ukraine ah, taliye kasta oo safka hore ah waa inuu tan xusuustaa.” ayuu intaas ku daray.
Andriy Yermak, oo ah madaxa shaqaalaha Zelenskiy, ayaa sheegay in 12 qof oo rayid ah ay ku jireen haweenka la sii daayay.
“Waxay ahayd tii ugu horeysay ee dumar ah oo gabi ahaanba la isweydaarsado,” ayuu ku qoray app-ka fariimaha ee Telegram, isagoo intaa ku daray in 37 ka mid ah haweenka la qabtay ka dib markii ciidamada Ruushku ay qabsadeen birta weyn ee Azovstal ee magaalada dekedda ah ee Mariupol bishii May.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa sheegtay in haweenkan qaarkood ay xabsiga ku jireen tan iyo sannadkii 2019-kii, kaddib markii ay xireen maamulka taageersan Moscow ee gobollada bari. Horaantii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com