Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe & dhigiisa Eliane Tillieux oo qodobo muhiim ah ka wada hadlay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Belgium-ka Marwo Eliane Tillieux, oo ku soo dhaweysay xarunta baarlamaanka ee Brussels.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada dalka Belgium Marwo Eliane Tillieux, ayaa wafdiga uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadcelisay inay soo booqdaan xarunta baarlamaanka Belgium,

Waxay ballan qaaday in la xoojin doono xirirka saaxiibtinimadda labada Baarlamaan, iyagoo iska kaashanaya dhanka aqoonta, horumarinta iyo tayada shaqaalaha BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyey waxaana uu dhankiisa ballan qaaday inay kawada shaqeeyaan horumarinta baarlamaanka aqoon kororsiga xildhibaannadda iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DAAWO TOOS: Khudbadaha Musharaxiinta gudoonka Golaha shacabka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne 80 sano jir ah oo laga codsaday inuu xilka sii hayo ka dib markii..

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo qalab ciidan ugu deeqday Booliska Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---