Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo hogaaminaya howlagalada baahsan ee lagula dagaalamayo Al Shabaab, ayaa kulan la qaatay xildhibaano, masuuliyiin iyo saraakiil ciidan, kuwaa uu kala hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.
Madaxweyne Guudlaawey ayaa kulanka kaddib shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu baaqay inay ka qeyb noqdaan howlgalada dalka looga xureynayo Al Shabaab.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee Al Shabaab ka xureeyay deegaanno badan, isagoo xusay in dhowaan deegaanno iyo degmooyin muhiim ah laga dulqaadi doono kooxda Al Shabaab.
Gobolka Shabeelaha Dhaxe ay ku xoogan yihiin Al Shabaab ayaa waxaa ka bilowday howlgalo ka dhan ah kooxdaasi, waxaana laga saaray Al Shabaab deegaano dhaca duleedka Degmada Balcad.