Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Museveni oo Ammar ka dhan ah isticmaalka Twitterka siiyay wiilkiisa

Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni , ayaa caan ku ah isticmaalka baraha bulshada gaar ahaan Twitterka, waxa uuna marar badan daabacay qoraalo muran badan dhaliyay.

Qoraal uu Twittereka soo dhigay Muhoozi Kainerugaba oo ah curadka madaxweynaha Uganda ayuu dhawwaan ku shaaciyay in ciidanka Uganda awoodaan in muddo isbuuc ah kula wareegaan magaalada Nairobi.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni , ayaa wiilkiisa ku canaantay qoraalada qaar gaar ahaan kuwa siyaasadda iyo kuwa dowladda quseeya uu soo dhigo barta Tiwiteerka, kuwaa oo dhaliya doodo siyaasadeed.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Museveni  in wiilkiisa Janaraal Muhoozi Kainerugaba uusan mar danbe barta Twitter-ka kaga hadli doono arrimaha dowladda iyo kuwa siyaasadda ee abuuri kara doodaha.

.“Twitter-ka faraha ayuu kala bixi doonaa, waan ka wadahadalnay arrintaas, Twitter-ka dhib malahan, waxa dhibka keenaya waa waxa aad ku qorto Twitter-ka” ayuu yiri Madaxweyne Yuweri Museveni .

Wiilka curadka madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah jeneraal katirsan ciidamada milatariga Uganda ayaa inta badan ku mashquula isticmaalka baraha bulshada uu soo dhigo qoraalo isugu jira madadaalo iyo kuwa siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Jeyte oo eedeyn yaab leh u jeediyey Cali Guudlaawe iyo Maamulkiisa

Caydiid Ali

Maxay siyaasiyiinta ugu caansan mucaaradka ku diideen kulanka Qoorqoor?

Caydiid Ali

 Xuska Maalinta Badaha Adduunka oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---