Ciidanka milatariga Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada deegaanka ayaa saakay howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka xalfooleey oo kuyaalla xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.
Telefishinka dowladda Soomaaliya oo soo xiganaya saraakiil ciidan ayaa baahiyay in ciidamada huwanta si xirfadaysan jidka ugu galeen xubno katirsan Al Shabaab oo deegaankaasi ku safrayay .
Howlgalkan ayaana telefishinka dowladda baahiyay in lagu gubay mid ka mid ah gawaaridii ay wateen kooxda Al Shabaab, sidoo kale lagu dilay tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanada Al Shabaab oo la socday gaariga la gubay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wehliya ayaana horey looga baran in ay sameeyaan howlgalo gaadmo ah oo jid gal ah, waxaana weerada anuucaan ah horey looga bartay in ay sameeyaan kooxda Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com