Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mid kamid ah dowladaha Yurub oo Ganaax lacageed kusoo rogtay shabakadda Telegram

Dowladda Jarmalka ayaa ganaax lacageed oo badan kusoo rogtay shabakadda Telegram, oo kamid ah shabakadaha caanka ah ee inta badan lagu xariiro kuna sheekeestaan dadka ku kala nool daafaha dunnida.

Jarmalka ayaa ku eedeeyay shabakadda Telegram inay ku guuldaraysatay inay u hoggaansanto shuruucda u degsan dalka Jarmalka, waxa ayna kusoo rogtay ganaax lacageed oo gaaraya shan milyan oo dollar.

Shabakada Telegrem ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in aan lagu dhisin hannaan sharci ah lana dhax mariyo waxyaabaha sharci darrada ah, Jarmalka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadan aysan wakiil arrintooda lagala hadlo usoo magacaabin dalka Jarmalka

Wasiirka caddaalada ee dowladda Jarmalka qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in baraha bulshada masuuliyad gaar ah ka saaran tahay ka hortaga  arrimaha la xidhiidha kicinta, nacaybka iyo rabshada laga dhex abaabulo shabakadohooda.

Shirkadda Telegrem oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin eedeymaha uga yimid Jarmalka, waxa ayna shirkadan fursad u heesataa in ay racfaan ka qaadato ganaaxa lacageed ee lagu soo rogay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wado Muhiim ah oo kutaala Muqdisho oo Dib u dhis lagu sameenayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Daroogo lagu qiimeeyey “$14 Milyan” oo lagu qabtay garoonka Addis ababa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo digniin adag u diray RW Khayre iyo Warar is qilaafsan oo kasoo baxaya Somaliland !!

admin
Taboola Ads ---