Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidan uu Hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo qabtay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada deegaano hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaano dhoor ah oo horey gacanta ugu jiray Al Shabaab.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo horey uga tirsanaa saraakiisha ciidamada ayaa hoggaaminaya ciidamada howlgalada kawada deegaano hoostaga Balcad, waxa ayna ciidankan gacanta ku dhigeen deegaano badan oo gacanta dowladda ka maqnaa.

Ciidamada uu horkacayo Cismaan Xaadoole ayaa saacadihii lasoo dhaafay Al Shabaab kala wareegay deegaano ay kamid yihiin Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale.

Xildhibaan Xaadoole ayaa sheegay in howlgalka ay wadaan sii soconayo ilaa Al Shaaab ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa uuna sheegay in kooxdaasi ay tabar dhigeen loona baahan yahay in si wadajir ah loola dagaalamo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Xaadoole in ciidamada dowladda inta uu socday howlgalka gacanta ku dhigeen 30-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaar kalana ay dileen ciidamada.

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo deegaanka ah ayaa howlgalo ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhaxe gaar ahaan deegaano dhaca duleedka degmada Balcad ay horey u maamulayeen Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin laga bixinayo duulaanka Israel ku gashay Lubnan

Caydiid Ali

Fiqi: “Dhuusamareeb waxaa ku soo haray labo kooxood oo kala ah Ahlu Sunna iyo..”

Caydiid Ali

(Sawirro) Farmaajo oo la kulmay Guddiga isku dhafka ee ka baaraan-degga doorashooyinka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---