Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo toban nin oo Soomaali ah ku daray Liiska Argagaxisada (Akhriso Magacyada)

Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa maanta shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Al-Shabaab, kuwaasoo lasoo bandhigay magacyadooda.

Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.

Sida lagu sheegay warkan, marka laga soo tago in ay hormuud ka yihiin Al-Shabaab, fududeeyayaashan waxa ay xiriir toos ah la sameeyeen saraakiil kale oo horay loogu aqoonsaday iney yihiin Al-Shabaab.

Dhammaan dadkan ayaa lagu daray liiska shakhsiyaadka loo aqoonsaday inay ka tirsan yihiin argagxisada iyadoo loo cuskanayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in Al-Shabaab ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-Qaacida, waxa uuna weerarro duqeymo joogto ah la beegsadaa dhaqdhaqaaqyadooda gudaha Soomaaliya.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah:

  • ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab
  • KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn
  • HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.
  • ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate
  • ABDI SAMAD  – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.
  • ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay
  • Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo  Mohamed Ali Badaas (Badaas)

Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah, Mareykanka ayaa sidoo kale dadkan ugu jira baadigoob uu ku beegsanayo si loo soo qabto .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Askar ka tirsaneyd ciidanka DF oo saaka xukun dil ah lagu fuliyey

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo taageero cusub u balan-qaaday ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Abaabul xooggan oo ka socda Muqdisho iyo Villa Somalia oo mar kale u baaqday..

Caydiid Ali