Allbanaadir.com
NEWS

Aadan Madoobe oo booqday Guriga safiirka Soomaaliya ee Belgium-ka oo burbur ka muuqdo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ku sugan dalka Belgium-ka ayaa maanta waxaa uu booqday Safaarada Soomaaliyeed ee Brussels, waxaana ku soo dhaweeyay Amb. Yuunis Yasiin Xaashi, oo ah Danjiraha Benelux iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u kormeeray xafiisyada iyo dhismaha safaarada isagoona warbxin ka dhageystay safiirka iyo howlwadeennada safaarada, waxaana uu boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u hayaan qaranka iyo guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale booqday hoyga safiirka oo ay leedahay safaarada kaas oo uu ka muuqdo burbur iyo dayac xoog leh, safiirka ayaana sheegay in dhawaan lagu bilaabi doono dayactir balaaran.

Related posts

Duqeyn lagu dhamaaday oo ka dhacday agagaarka Suuqa weyn ee Qouro

Caydiid Ali

Shirkadaha Isgaarsiinta dalka oo loo qabtay shir arrin muhiim ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Bannaan bax weyn oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo madax ka qeyb gashay (Sawirro))

Cabdi Cade
Taboola Ads ---