Allbanaadir.com
NEWS

Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Khasaaro badan oo ka dhashay

Waxaa caawa fiidkii laamiga xaafada Ceel-Qalow ee degmada Wadajir, gaar ahaan meel ku dhaw masjidka Culusow ka dhacay qarax xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa wararka aan helnay sheegayaa in uu ahaa miino hareeraha laamiga la dhigay, waxaana xilliga qaraxu dhacayay laamiga marayay gaadiid kala duwan iyo sidoo kale mootooyin nuuca bajaajta ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan caawa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 8-qof, halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in dhaawacooda culus yahay.

Ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa booliiska ayaa gaaray goobta caawa qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan bulshada lala wadaagin  natiijada kasoo baxday.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku yaraa caasimadda, waxaana qaraxan caawa dhacay dadka waxyeelada kasoo gaareen la sheegay in ay ahaayeen dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Beesha caalamka oo ka hor timid go’aanka garoonka Aadan cadde looga saarayo NISA

Caydiid Ali

DEG DEG: Guutooyin ka tirsan Milateriga Somaliland oo u soo dhaqaaqay Laascaanood

Caydiid Ali

Dowlada Itoobiya oo ku hanjabtay in ay dib ula wareegi karto magaalada Makalle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---