Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo Cunaqabateyn kusoo rogeysa dadkii la macaamila Al Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal dhinacyo kala duwan leh kula jirta Al Shabaab, waxa ayna dowladda markan waqti ku bixineysa sidii Al Shabaab uga jari laheyd dhaqaalaha ay ka hesho ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda wax kasta oo karaankeeda ah ku bixineyso dagaal lagu soo afjarayo awoodda iyo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Wareysi uu siiyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre Telefishinka Al Carabiya ayaa sheegay in cunaqabateyn adag kusoo rogayaan cid kasta oo la macaamiisha ama dhaqaala siisa kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jiraan.

Xamse Barre ayaa ku faanay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka guulo badan ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxa uuna rejo ka muujiyay in ay soo afjaraan kooxda Al Shabaab uu tilmaamay in xasiloonida dalka khatar ku yihiin.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa imaanaya xilli dowladda Al Shabaab ku wajaheyso dagaal wajiyo kala duwan leh, waxa ayna dowladda digniino adag u dirtay ganacsatada iyo dadka kale ee la macaamiila Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada NISA oo joojiyey xaflad lagu taageerayey Musharax Mustaf Dhuxulow

Caydiid Ali

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo u jawaabay sarkaal Ugandhes ah oo Somalia ku sifeeyey Doofaar

Caydiid Ali

Sidee u dhintay Mahad Cagaduub, Wax yar ka dib markii ay qabteen ciidanka DF?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---