Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo gaaray Jigjiga si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi la socday ayaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha Garaad Wiil Wala ee kuyaalla magaalada JIgjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha Jigjiga waxaa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdiga la socday madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jigjiga.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowlad deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna kala hadli doonaa xiriirka labada dhinac iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowlad deegaanka Somaalida ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jioro Al Shabaab, waxaana ciidamada deegaankaasi marar badan dagaalo dhiig badan kula daatay kula galeen Al Shababa deegaano dhaca xadka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bakool.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si adag u beenisay war been abuur ah oo la faafiyay

Cabdi Cade

Xildhibaano gadoodsan oo digniin adag siiyey Aaden Madoobe

Caydiid Ali

Calanka dowlada Faransiiska oo lagu gubay magaalada Ceelbuur (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---