Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Midowga Afrika oo Baaq cusub kasoo saaray dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya

Midowga Afrika ayaa qoraal kasoo baxay waxaa loogu baaqay dowladda Itoobiya iyo falaagada TPLF ee ka dagaalanta Waqooyiga Itoobiya in si shuruud la’an ah u joojiyaan dagaalka daba dheeraaday.

Qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in muhiim tahay dhinacyada dagaalamaya in xabadda joojiyaan oo isugu yimaadaan wadahadal nabadeed oo xal u noqon kara colaada sukeeye ee dhiiga badan ku daadanayo.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay Xukuumadda Adis Ababa iyo TPLF xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah iyo dib u bilaabista adeegyada bani’aadanimo ee la gaarsiinayo goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Ciidamada Itoobiya oo kaashanaya kuwa Eritrea ayaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo culus ku garaacayay magaalooyin kuyaalla Waqooyiga Itoobiya, waxaa sidoo kale meelaha qaar ka socda dagaal labada dhinac hub culus isku adeegsanayaan.

Midowga Afrika ayaana ka shaqeenaya in wadahadal nabadeed u furu dhinacyada isku haya Waqooyiga Itoobiya, waxaana horey dib u dhac ugu yimid wadahadal lagu waday in dowladda iyo TPLF uga furmo dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkado Caalami ah oo Indhaha ku haya hawlgalka Baarista Shidaalka iyo Gaaska ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Gabar walaalkeed lacag u ururinaysay sannado badan si uu ugu guursado !!

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaankii Dugsiyada Sare oo la shaaciyay (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---