Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Duqeymo Khasaare nafeed geystay oo ka dhacay gobolka Tigray (Sawirro)

Magaalada Shire oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Tigray ayaa maalmihii la soo dhaafay lagu garaacayay duqeymo ay iska kaashanayaan ciidamada Itoobiya iyo Eritrea

Waxaa la soo sheegayaa in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay dagaalka ka dhanka ah jabhada TPLF ee kasoo jeeda gobolka uu dagaalku ka socdo.

Midowga Afrika ayaa dalbaday xabbad-joojin shuruud la’aan ah oo ka dhacda waqooyiga Itoobiya, waxayna ku boorriyeen dhinacyada isku haya inay yeeshaan wadahadallada nabadeed

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa walaac xooggan ka muujiyay kor u kaca rabshadaha, wuxuuna ku baaqay “xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah iyo dib u bilaabista adeegyada bani’aadanimo” ee la gaarsiinayo goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Maamulka TPLF ee gacanta ku hayso gobolka Tigray ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay ixtiraamayaan xabbad-joojin kadib markii Midowga Afrika uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyo wadahadallo nabadeed si loo soo afjaro ku dhawaad laba sano oo dagaal ah.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku biiray Mareykanka iyo quwadaha kale ee reer galbeedka sida ay uga walaacsan yihiin rabshadaha sii xumaanaya iyo khasaaraha ay u geysanayaan dadka rayidka ah, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay dejiyaan “isku dhacan masiibada ah”.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo maamulka Tigrayga ayaa aqbalay casuumaad uu Midowga Afrika u fidiyay si ay u wadahadlaan, balse wadahadalladii lagu waday inay dhammaadkii todobaadkii hore ka furmaan Koonfur Afrika ayaa guuldarreystay, lamana shaacin taariikh cusub.

Related posts

Deni: “Puntland waxaa ku socda dagaal ujeedooyin kala gedisan laga leeyahay”

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Hey’adda …

Cabdi Cade

Madaxweyne 80 sano jir ah oo laga codsaday inuu xilka sii hayo ka dib markii..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---