Allbanaadir.com
MUQDISHO

Askar lagu laayey saldhig ciidamada lagu tababaro oo ku yaalla gudaha Ruushka

Ruushka ayaa sheegay in rag hubeysan ay 11 qof ku toogteen goob ciidamada Ruushka lagu tababaro, waana dharbaaxadii ugu dambeysay ee soo gaartay ciidamada madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii ay duullaanka ku qaadeen Ukraine.

15 kale ayaa ku dhaawacmay toogashada oo Sabtidii ka dhacday gobolka Belgorod ee koonfur-galbeed Ruushka, kuna yaalla xuduudda Ukraine markii ay laba nin oo hubeysan ee weerar ku toogteen koox si mutadawacnimo ah isugu diiwaangeliyey in ay ka qeybgalaan dagaalka socda.

Waxa ay sheegtay in labada nin ee toogashada gaystay oo kasoo jeeda jamhuuriyad ka tirsanaan jirtay Midowgii Soviet oo aysan magacaabin iyana toogasho lagu dilay sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee RIA oo soo xiganaysa wasaaradda gaashaandhigga

Qaar ka mid ah warbaahinta madaxa-banaan ee Ruushka ayaa warinaya in tirada dadka dhaawaca ah ay ka badan yihiin tirada ay dowladdu sheegtay.

Guddoomiyaha gobolka Belgorod Vyacheslav Gladkov ayaa saaka sheegay sida uu hadalka u dhigay in dhacdo xannuun badan lala beegsaday cutub ka tirsan ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbaahinta dalalka Carabta oo si weyn u hadal heysa hadalkii Raisul wasaare Xamse

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo Somalia keentay ciidamadii sugi lahaa doorashada 2021 (Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---