Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo tagay xarunta Hay’adda Tamarta Atomicada ee Vienna (Sawiiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday Hay’adda Caalamiga ee Tamarta Atomic-ga (IAEA)oo fadhigeedu yahay magalada Vienna dalka Austria, waxaana xubno ka ah 175 dal, waxayna u taagantahay isticmaalka nabadgalyada ee hubka nuclear-ka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xarunta waxaa ku soo dhoweeyay Agaasimaha guud ee hay’adda Mudane Rafael Grossi, isagoona sharaxaad laga siiyey waxyaabaha Soomaaliya ka faaideyso ka mid noqoshadeeda oo ay ka mid yihiin nabad galida saameynta nuclear-ka, nadaafada biyaha iyo badda, la socodka dhaqdhaqaaqa hubka halista ah iyo maalgalinta iyo taageerrada hay’adaha ku shaqada leh arimahaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ammaanay doorka hay’adda ka qaadan karto, ilaalinta biyaha nadiifka ah kuwa berriga iyo kuwa badda intaba iyo la socodka hubka halista ah ee nuclear-ka ayaa sheegay in muhiim tahay in Soomaaliya ka mid noqoto dalalka ka faaideysta hay’addan.

Related posts

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Saldhig ee leeyihiin Ciidamada Ruushka (Sawirro)

Cabdi Cade

Lix Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha Shacabka lagu doortay Baraawe (Yaa kusoo baxay)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo dalka Serbia kula kulmay Mufti Sheekh Mustafa Jusufspahić (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---