Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Booliska Norway oo xabsiga u taxaabay nin la shaqeynaayey sirdoonka Ruushka

Booliska Norway ayaa ku dhawaaqay inay qabteen muwaadin Ruush oo lagu tuhunsan yahay inuu u shaqeeyo sirdoonka Xukuumada Moosko.

saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ninkan uu isticmalayey dayuuradaha Drones-ka ee wax lagu basaaso iyo qalabka Wax lagu duubo, lana qabtay isaga oo sawiro ka qaadaya garoon diyaaradeed.

Booliisku waxay intaas ku dareen in ninka la qabtay uu qirtay inuu gudaha dalka Norway ku isticmaalayey diyaaradaha wax basaasa iyo qalabka kale ee lagu qabtay .

Arintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Norway ay xoojisay ammaanka xarumaha saliidda iyo gaaska, kadib markii la arkay inay soo bateen duulimaadyo qarsoodi ah oo diyaaradaha Drone-ka ku sameynayaan Goobaha gaaska .

Norway ayaa ka Cabsi qabta in Ruushku uu Weeraro xarumaha saliidda iyo gaaska, maadama ay waqtigan Norway noqotay isha ugu weyn ee gaasta ee Yurub.

Related posts

Ergada Dooraneysa kursiga HOP025 oo lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaaradda Amniga oo xabsiga dhigtay sarkaal Boolis ah & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal oo gaaray Jowhar (Ujeedka)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---