Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu yahay Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni? (Magacyada)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee uu isugu yimaado Golaha Amniga Puntland.

Kulanka ayaa ku saabsana kala warqaadasho Amni, Iyadoo Goluhu uu ka hadlay xaaladda Guud ee Amniga Puntland Gudaha iyo dibadda iyo hannaanka horumarsan ee Goluhu uga shaqeynayo Amniga iyo qorsheyaasha lagu sii horumarinayo.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirada Amniga, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Cadaaladda, Teliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska, Asluubta , Nabad sugidda iyo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka.

GOLAHA AMNIGA PUNTLAND

  1. Madaxweynaha (Guddoomiye)
  2. Madaxweyne Ku-xigeenka

(Guddoomiye Ku Xigaanka)

  1. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR (Xubin)
  2. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda (Xubin)
  3. Wasiirka Maaliyadda (Xubin)
  4. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta (Xubin)
  5. Wasiiru Dowaha Madaxtooyada (Xubin)
  6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta (Xubin)
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
  8. Taliyaha Ciidanka Asluubta (Xubin)
  9. Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda (Xubin)
  10. Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga iyo Ciidanka (Xubin)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magdhaw la siiyay nin lagu qasbay in uu garab seexdo meydka xaaskiisa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka Oo dhimaya Ciidamadiisa jooga Soomaaliya iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

Dab dhimasho & dhaawac geystay oo baabi’iyey dukaan ku yaalla Garoowe (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---