Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabaaldegyo waaweyn oo ka bilowday Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka

Dabaaldegyo waaweyn ayaa galabta ka bilowday magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka kadib markii Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ay ku guuleystay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika ee CECAFA.

Xulka Somalia ayaa ciyaar final ah oo ka dhacday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya waxay 3-1 kaga badiyeen xulka South Sudan.

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ku guuleysato ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika ee CECAFA, iyadoo dad badan ay guushan taariikhiga ah ku tilmaameen mid mucjiso ah, maadaama ciyaartoyda Soomaalida ee ka qeyb gala tartamada dibeda horey looga bartay in loo soo saariyo guul darooyin isdaba joog ah oo niyad jab weyn ku riday Soomaali badan.

Dhalinyaro farxad la jidbeysan ayaa markii ay dhamaatay ciyaarta oo toos loo daawanayey waxay iskugu soo baxeen wadooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo u dabaaldegaya guusha taariikhiga ah ee Somalia gaartay, waxaana meelaha qaar hawada loo ridayey rasaas.

Sidoo kale, qaar ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa laga soo sheegayaa iney iskugu soo baxeen dadweyne fara badan oo guusha Somalia u dabaaldegaya, kuwaasoo wejiyadooda ay muuqato farxad fara badan.

Dowlada Soomaalia ayaa looga fadhiyaa iney mamuus Qaran iyo abaal marino siiso ciyaartoyda guushan weyn ee taariikhiga ah ee keenay, waxaana magaalada Addis ababa ku sugan oo ciyaarta toos u daawanayey Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka oo laga guddoomay warqada Aqoonsiga Safiirnimo

Cabdi Cade

Madaxweyne Emmanuel Macron oo laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Shiikh Shariif oo si adag uga hadlay Musiibadii ka dhacday nawaaxiga Soobe kuna baaqay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---