Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Somalia oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha Afrika

Xulka qaranka ee Soomaaliya da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuleystay koobka ciyaaraha bariga iyo bartmaha ee Cecafa.

Soomaaliya waxay 3-1 uga badisay xulka South Sudan ka dib ciyaar final ah oo ay isaga hor yimaadaan

Ciyaarta ayaa lagu soo gabagabeeyay garoon ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xulka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa maalmihii lasoo dhaafay wacdaro ka dhigayay tartanka, waxay kasoo badiyeen Itoobiya iyo Uganda.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka waxaa ka bilowday dabaaldegyo la xiriira guusha taariikhiga ah ee Somalia gaartay, waxaana hawada loo riday rasaas guushaas lagu soo dhoweynayo.

Related posts

Milateriga Myanmar oo ku kacay fal argagax leh & Mareykanka oo ka qeyliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo si kulul u beenisay Warar uu baahiyey wargeyska The Times of Israel

Caydiid Ali

Shirkad diyaaradeed oo miisaameysa culeyska qofka inta uusan raacin diyaaradda !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---