Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saaray Howlgal lagu dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab (Magacyada)

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda Al-shabaab kala wareegeen deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley ee hoostaga degmada Balcad.

Dowladda ayaa sheegay in ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kooxda Al Shabaab dagaal xooggan ku dhax maray deegaankaasi, waxa ayna dowladda sheegtay in Al Shabaab dagaalka looga dilay in ka badan 30 xubnood oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Al Shabaab xubno katirsan la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Dowladda ayaa warka kasoo baxay lagu sheegay xubnaha howlgalka lagu dilay ay ku jiraan Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa: 1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay Al Shabaab ,isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhexe, iyo goob kale .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisaab xirka miisaaniyadii u horeeysay ee dowladda Madaxweyne Farmaajo oo la ansixiyay

Cabdi Cade

Somaliland oo xukun adag ku riday askari geystay dil abuuray caro xooggan

Caydiid Ali

Mooshin ka dhan ah Heshiis Xukuumadda la gashay Itoobiya iyo Imaaraadka oo loo gudbiyay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---