Allbanaadir.com
NEWS

Ciidan badan oo kasoo jeeda Beesha Murusade iyo Gaadiil dagaal oo Muqdisho ka baxay (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarado ka qaadeen ciidamo aad u tiro badan iyo gaadiidka nuuca dagaalka ah ,kuwaa oo kusii jeeda deegaano katirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada ka baxay magaalada Muqdisho ayaa kasoo jeeda Beesha Murusade, waxa ayna ciidankan ku wajahan yihiin degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo la filayo in ay uga sii gudbaan deegaano katirsan gobolka Galgaduud oo beeshooda degto.

Ciidamada ka baxay magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali Jacfar, waxaana la socda masuuliyiin iyo saraakiil ciidan oo kasoo jeeda beesha Murusade ee dega gobolka Galgaduud.

Xildhibaanka Jacfar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay u baxeen sidii ay garab u siin lahaayeen ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ka dagaalama gobolka Hiiraan una sii gudbayaan xureynta deegaanada ay kasoo jeedaan Beesha Murusade.

Deegaanada beesha Murusade ka degto gobolka Galgaduud gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur iyo Geelhareer gacanta ku haya kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidankan damacsan yihiin sidii deegaanadaasi Al Shabaab uga saari lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haween carreysan oo dibad baxyo ka dhigaya magaalooyin kuyaalla dalka Kenya

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiirka Arrimaha dibeda DF oo kulan xasaasi ah la qaatay danjiraha UAE

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War kasoo saaray Xiisada ka taagan Doorashada iyo Kulanka Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---