Allbanaadir.com
NEWS

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiigley, ku dilay askari katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, sidoo kale la sheegay in uu kamid ahaa ergadii xildhibaanada wax kasoo dooratay.

Sida aan wararka ku helnay askariga oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Caraaye Maalin ayaa la dilay xilli uu meel maqaayad ah shaah ka cabayay, waxaana dilka kaddib askariga horey looga sii qaatay qoray Ak-47 ah uu watay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada oon ku guuleesan soo qabashada ninka dilka geestay goobtaasi ka qaadeen meydka askariga la dilay.

Al Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Cabdi Caraaye Maalin, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan u beegsadeen in uu kamid ahaa ergadii xildhibaanada wax kasoo doortay.,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuul katirsanaa Villa Soomaaliya oo Shaaciyay in uu is casilay

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo Cadaadis la saaray iyo Sheekh Aadan Madoobe oo…

Cabdi Cade

Dalkii 3-aad caalamka oo laga helay nooca cusub ee Viruska Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---