Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xaafad dadka kunool 50% yihiin Youtube-ley iyo Sababaha cajiibka ah ee ku kalifay!

Xaafadda Tulsi oo ku taalla gobolka Chattisgarth ee dalka Hindiya waxay noqotay ubucda iyo barkulanka youtube-leyda. Badi dadka xaafaddan waxay sameeyaan muuqaallo ay ugu tala-galeen kanaallada iyo baraha ay ku leeyihiin Youtube-ka iyo dabcan facebook-ga iyo tiktooga.

Waxay leeyihiin ku dhawaad 40 janaal oo Youtube ah kuwaas oo lasoo geliyo sheekooyinka iyo muuqaallada ay iska duubaan, qaarkood ayaa sameeya sheekooyin ku saabsan tacliinta ama wax-barashada iyo madadaalada ama maaweelada.

Labo nin oo la kala yiraahdo Gyanendra Shukla iyo Jai Verma oo xaafadda ku nool ayaa bilaabay dhaqanka ah muuqaal duubidda iyo mihnadda xirfadda jilaa-nimada kaas oo durba si weyn ugu dhex baahay bulshada.

Labaduba waxay kala ahaayeen injineer iyo bare, hayeeshe, markii ay go’aansadeen inay kanaal u gaar ah u sameystaan youtube-ka si ay muuqaallo isaga duubaan kadibna ugu baahiyaan, waxay ogaadeen in habkani kamid ah hababka ugu fudud oo maanta lacag looga sameyn karo dunida.

Tusaalahoodu wuxuu ku dhiirrigeliyay inta kale inay raacaan. Maanta ku dhawaad saddexda kun ee qof oo xaafadda ku nool kun kamid ah ayaa ah youtube-ley. Kan ugu da’da yar wuxuu jiraa 15 halka midka ugu weyn youtube-leydan uu yahay 85 jir ayeeyo ah.

Kuwa ugu taageerada badan waxaa ku xiran dad gaaraya 100,000.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo ku biiray kulamadii u socday Farmaajo, Wasiirka amniga & taliyaha KMG ee NISA

Caydiid Ali

Ciidamada Jubbaland oo Diyaar garow ugu jira dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Wax ka Ogow Rajada C/raxmaan C/shakuur ka qabo in loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---