Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagaya Magaalada Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagaya maalinta beri oo Sabti ah Magaalada Asmara ee dalka Eritrea sida uu shaaciyey Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle.

Geelle ayaa intaa raaciyay in Soomaaliya iyo Eretrea ay sameynayaan xiriir Diblumaasiyadeed oo cusub, iyadoo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Eretrea Isaias Afawerki.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Booqashada uu Madaxweyne Farmaajo ku tegi doono Eritrea ay noqoneyso tii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Soomaaliyeed ku tago dalkaasi, taasoo sare u qaadeysa xiriirka labada Dowladood.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ku tagayo dalka Eritera ayaa qaadan doonta muddo saddex maalmood ah sida uu dhinaciisa ka sheegay Wasiirka Warfaanta ee dalka Eritrea Yemane G. Meskel.

Eritrea ayaa dooneysa inay heshiis rasmi ah la gaarto Soomaaliya si looga saaro liiska xayiraadda ee Q/Midoobay, waxayna ku eedeysan tahay inay taageerto ururka Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay in la karantiilay afar qof oo ka yimid dalka dibadiisa

Caydiid Ali

Nooca cusub ee COVID-19 OMICRON oo xawli ku faafaya & digniino la soo saaray

Caydiid Ali

Fahad Yasin: “Ansixinta Wax ka bedelka dastuurka waa shirqoolkii ugu halista badnaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---