Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Itoobiya

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo  ayaa safar deg deg ah ugu dhoofay dalka Ethiopia magaalada Addis ababa.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa lagu sheegay si ay dhiirri-gellin ugu sameeyaan  xulka Qaranka 17 jirrada ah oo berri ciyaar kama dambays ah la leh xulka Tanzania.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa wasiiro dowlad goboleedyada dalka qaarkood, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, saraakiil ka socota xafiiska madaxtooyada, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa intii aanay xulku dalka ka dhoofin la kulmay ayaa balan qaaday taageerada buuxda ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS.

Xulka qaranka ayaa usoo gudbay Ciyaarta kama danbaysta ah (Final) iyo ka qayb-galka koobka qaramada Africa ee 2023 lagu qaban doono Algeria.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dhigiisa cusub Barham Saalix

Caydiid Ali

Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kulan arrin taagan looga dooday

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---