Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukuno adag oo lagu riday askar ka tirsan AMISOM oo shacab ku laayey Somalia

Maxkamad ku taalla Ugandha ayaa xukuno kala duwan oo adag ku riday askar ka tirsaneyd ciidamada AMISOM oo dilal dad shacab ah iyo xad gudubyo kale ka geystay Somalia

Maxkamada racfaanka ayaa xukun daldalaad ah ku xukuntay 2 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ka howlgalay Soomaaliya ka dib markii lagu helay inay si bareer ah u laayeen 8 qof oo shacab ah oo ku sugnaa gobolka Sh/hoose.

Labada askari oo lagu kala magacaabo Captain Charles Asiimwe iyo Edison Bwambale ayaa ka mid ahaa 5 askari oo lagu helay todobo dambi oo dil ah, kaasoo ay ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Ugandha, bishii Nofembar ee sanadkii  2021-kii xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho.

Asimwe iyo Bwambale ayaa lagu xukumay dil, halka saddexda askari ee soo hartay oo kala ah Alexander Babu, Lance Corporal Phillip Ichumar iyo Private Kerere Tushemereirwe  lagu xukumay min 39 sano oo xabsi ciidan ah

Maxkamada racfaanka ayaa laashay xukun dil ah oo sadexda nin ee dambe lagu riday, waxayna ugu bedeshay xariga 39ka sano ah oo u dhigma xabsi daa’in.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga qaban-qaabada aaska Marxuum Max’ed Qanyare Afrax oo War soo saaray

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo u ambobaxay dalka Eritrea iyo Ujeedka safarkiisa oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo labo daran mid dooro heesato iyo Cadaadis xoogan oo saaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---