Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 6 nin oo lagu eedeeyey.. (Magacyada)

Fagaaro ku yaalla degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa lagu toogtay lix nin oo Al-shabaab ay ku eedeeysay inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.

Goobta waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid ah Shacabka degaanka oo Al-Shabaab ay ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada.

Ragga ay Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan Dhalinyaro ayaa laga soo qabtay degaano kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka waxayna kala yihiin

1-Cabdullaahi Cabdixmaan Ibraahim (Dalmar) oo Shabaab ku eedeeyeen inuu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu gudbiyay xogta Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

2-Xassan Maxamed Aadan (Mustaf) oo isna lagu eedeeyey inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday degmada Saakow.

3: Cabduqaadir Maxamed Sheekhey Cali (Buule) oo Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday degmada Saakow uuna la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.

4-Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, waxaana Shababaab ku eedeeyeen inuu diyaariyay duqeyn lala beegsaday Saraakiil ka tirsan kooxdasa, sidoo kalena uu gudbiyay xogta rag kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

5-Cabdisalaan Ibraahim Maxamed (Shaalle), kaasoo ay ku eedeeyeen inuu la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka uuna gudbiyay xogta Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

6-Cabduqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobol) oo Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inuu qeyb ka ahaa weerar iyo duqeyn ka dhacday degmada Saakow oo lagu qaarajiyey saraakiil ka tirsan kooxdaas.

 

Related posts

Dagaalkii u dhexeeyey Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo heshiis laga gaaray

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo hortiisa lagu Dhaariyey afar Xubnood oo ka mid ah Komishanka Cusub ee Doorashooyinka

Cabdi Cade

Wasiirka Maaliyadda oo shir uga qeyb galay Qaahira lana kulmay madax kala duwan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---