Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Toogasho dad lagu laayey oo ka dhacday gobolka North Carolina (Daawo Sawirro)

Shan qof oo uu ku jiro Sarkaal Booliis ah oo aan shaqada ku jirin ayaa lagu toogtay caasimadda gobolka North Carolina ee Raleigh, taasoo dhalisay howgal ballaaran iyo la xiro qayb ka mid ah magaalada muddo saacado ah.

Booliska ayaa markii dambe xiray tuhmane dhallinyaro ah, sida ay saraakiishu sheegeen.

Laba qof ee ku dhaawacantay weerarka ayaa kala ahaa askari boolis ah oo la daweeyay iyo qof isbitaal ku jira oo xaaladdiisu liidato, sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliiska.

Toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow Wabiga Neuse ee Greenway, Qiyaastii saddex saacadood ka dib, booliisku waxay sheegeen inay ku jiraan howlgal lagu soo qabanayo tuhmanaha oo ku jiray guri u dhow meel kaymo ah, iyagoo markii dambe sheegay in tuhmanaha weerarkaas fuliyey uu ahaa kaliya nin caddaan ah oo aan qaan-gaarin lana dhigay xabsiga.

Duqa magaalada Mary-Ann Baldwin ayaa cambaaraysay rabshadihii ugu dambeeyay, halka barasaabka North Carolina Roy Cooper uu ka xumaaday “argagixisadu waxay soo gaadhay albaabkayaga.”ayuu yiri

Warbaahinta ayaa sheegtay in qofka toogashada geystay uu adeegsaday qori dheer. Booliisku wax tafaasiil ah kamay bixin sida ay toogashadu u dhacday iyo soo qabashada tuhmanaha oo u muuqday mid xanuunsaday oo xanaaqsan

Lama oga sababta uu ninkan u geystay weerarka lagu laayey dadka, hase ahaatee booliska ayaa sheegay iney baaritaano wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo la kulmay wafdi sare oo ay horkaceysay Mss Rita Laranjinha (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamza oo labo qodob oo Muhiim ah kala hadlay Culimada (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Aadan Barre oo shaaciyey sababta Kenya u taageereyso Jubbaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---