Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad khasaare badan geystay oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Iska horimaad culus ayaa goor dhow oo barqanimadii maanta ah ka dhacay xaafada Seben-seben oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadku uu bilowday ka dib markii la isku maan dhaafay dhismeyaal halkaas ku yaalla oo la burburinayey.

Ciidamada dagaalamay oo ka tirsan kuwa milateriga ayaa isweydaarsaday rasaas culus oo socotay muddo kooban.

Ugu yaraan shan qof ayaa ku naf waayey iska horimaadkan kuwaasoo isugu jira afar ka mid ah ciidamada dagaalamay iyo hal shacab ah oo goobta ka dhowaa, iyadoo 8 kale oo 7 ka mid ah ay shacab yihiina ay ku dhaawacmeeen sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Xaalada ayaa degan ka dib markii ciidamada dagaalamay ay kala dhex galeen saraakiil iyo qaar ka mid ah waxgaradka degaanka, waxaana xusid mudan in iska horimaadyada noocan ah ay ku soo laalaabteen degaankaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay saraakiisha Booliska Ciraaq?

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Waa qodob dastuuri ah in shacabku dibed-bax ku cabiro shucuurtiisa”

Caydiid Ali

Basaasiinta Ruushka ee Internetka oo beegsaday 42 dal oo xulafo la ah Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---