Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee arraga (World Sight Day) oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad lagu xusayey maalinta arragga Adduunka (World Sight day) oo ku beegneyd shalay oo taariihkdu aheyd 13-ka bisha Oktoobar sanadka 2022 ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa soo qabanqaabiyey Munaasabadan Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee DALMAR, iyadoo ay ka soo ka qeyb galeen Masuuliyiin, Aqoonyahano ka tirsan bahda Caafimaadka, ardayda Jaamacadaha qaarkood, qeybaha bushada iyo marti sharaf kale.

Dr. Axmed C/risaaq Dalmar oo sido kale ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee qaabilsan Indhaha ayaa munaasabada ka jeediyey hadallo iskugu jiray furitaan iyo wacyi gelin ku saabsan saameynta nololeed ee ka dhalan karta arag la’aanta qofka la soo derista iyo sida loogu baahan yahay in wax looga qabto.

Agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabada kaga warramay muhiimadda ay xuska maalintan u leedahay bahda Caafimaadka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

“Maalinta Arragga Adduunka waxaa sannad walba loogu talo galay in la xuso Khamiista labaad ee bisha Oktoobar, ujeeddada maalintan loo asteeyeyna waxay tahay in la is-xusuusiyo caafimaadka indhaha, muhiimadda ay leeyihiin, iyo sidii looga hortegli aragga la’aanta” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in sannad walba uu caalamku munaasabaddan u doorto halku dheg cusub, wuxuuna xusay in halku dhega caalamiga ah ee sanadkan uu yahay (Jeclow indhahaaga) isagoo ku dheeraaday hababka ugu habboon ee looga hor tegi karo loona daweyn karo indho la’aanta oo uu sheegay in %80 wax laga qaban karo.

“Dad ku dhow 45 milyan ayaa caalamka oo dhan aan heysan arag,  90 %dadkaas waxay ku nool yihiin dalalka ka hooseeya saharaha Afrika, Soomaaliya markaan u soo noqonno waxay ka mid tahay dalalka ugu badan ee ay ka jiraan cudurada sababa arag la’aanta” ayuu yiri Dr. Dalmar oo Dhinaca kale ka warbixiyey olole ay 17kii sano ee u dambeeyey qaliimo iyo daaweyn bilaash ah ugu sameeyeen dad kumanaan gaaraya oo ku nool xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo gobolada koonfurta iyo bartamaha Somalia, kaasoo uu xusay iney iska kaashadeen heyadda uu madaxda u yahay ee Al-Nuur Foundation iyo heyaddo caalami ah, wuxuuna xusay in sidaasoo ay tahay ay weli aad u sareyso heerka indha la’aanta ka jirta dalka, wuxuuna balan-qaaday iney sii wadi doonaan intii karaankood ah sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Prof. Dalmar ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka la soo dersa aragga iyo saameynta uu ku yeesho qofka marka uu aragtiad waayo.

“Araggu maaha oo kaliya inay qofka ka saaaciddo inuu wax arko, laakiin waxaa ku xiran, noloshiisa, qiimahiisa, dhaqaalihiisa iyo caafimaadkiisa guud” ayuu intaas ku daray Prof Dalmar oo bulshada ugu baaqay iney ugu yaraan sanadkiiba mar baaritaan ku sameeyaan indhahooda iyagoo la xiriiraya dhaqaatiirta ku shaqada leh si haddii ay jiraan xanuuno iyo cuduro qarsoon wax looga qabto intey bilawga yihiin.

Waxaa sidoo kale munaasabaddaas khudbado ka jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Maamulka degmada Hodan iyo xubno kale iyadoo dhaqaatiirta kulankaas ka qeyb galay ay si saraaxad leh uga jawaabeen su’aalo la xiriiray mowduucan oo ay weydiiyeen ka soo qeyb galayaasha, waxaana kulankan uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Booqday Xarumo Caafimaad oo kuyaala Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddiga madaxa banaan ee Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo la magacaabay

Cabdi Cade

(Akhriso) Afhayeenkii hore ee Farmaajo oo ka hadlay War lagu faafiyay Idaacada BBC-da

Caydiid Ali
Taboola Ads ---