Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamadda Sare ee dalka Maraykanka oo ku gacan seyrtay dacwad ka timid Trump

Maxkamadda sare ee dalka Maraykanka ayaa diidday dacwad ka timid madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, kaasoo maxkamadda sare ka dalbaday in khabiir madaxbanaani uu baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, oo ay hay’adda FBI ka soo qaadday gurigiisa ku yaalla Florida.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo soo saaray amar kooban, ayaa diiday codsigii uu Trump u maxkamadda sare u gudbiyey bishii October 4-teedii, kaasoo ku saabsanaa in meesha laga saaro amar ay soo saartay maxkamadda racfaanka oo dhigayey, inaan khabiirka madaxa banaani awood u lahayn, inuu baadho ama arki karo macluumaadka ku qoran in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah.

Warqadahan ayaa qayb ka ahaa ku dhowaad 11,000 oo waraaqood oo bishii August laga soo qaaday guriga Madaxweynihii hore ee Trump,.

Garsoorayaasha maxkamadda sare oo ka kooban sagaal, ayaa saddex ka mid ah waxaa magacaabay madaxweyne Trump intii uu xafiiska joogay.

Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa si weyn uga hortimi in khabiir madax banaani inuu eegi karo ama baadhi karo, in ka badan 100 waraaqood oo sir qaran ah, waxayna dacwada Trump ku tilmaantay mid baal marsan sharciga.

Related posts

Buug uu qoray Shakespeare oo lagu iibiyey lacag ku dhaw 10 malyan oo doolar !!

Cabdi Cade

(Sawirro) Gurmad weli ka socda Muqdisho iyo meydad kale laga soo saaray burburka

Caydiid Ali

Waa kuma ninka aan Wajigiisa la arag ee Isreal cabsida ku beeray Caankana noqday ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---