Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Nuskiilo oo lagu toogtay Boosaaso iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada toogasho xalay loo geystay sarkaal ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso.

Al-shabaab ayaa baraha ay warkooda ku faafiyaan ku sheegay in dhaawac culus ay u geysteen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo magaciisa lagu soo koobay Axmed Nuskiilo, kaasoo ay sheegeen in dhimisho ahaan ay ugu tageen, balse uu noqday dhaawac culus.

Dhaawaciisa ayaa lagula tacaalayaa mid ka mid ah goobaha Caafimaadka ee magaalada Boosaaso, iyadoo maamulka Puntland aysan ka hadlin dhacdadan.

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dhowaan la wareegay degaanka Af-urur ee u dhow Buuraha Galgala ee gobolka Bari, ka dib markii ay degaankaasi ka baxeen Ciidamada Puntland oo saldhig ku lahaa.

Kooxda Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Af-urur waxay ku fideen deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bari oo xalay ay ku dhaawaceen Salkaal ka tirsan Ciidamada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Guddoomiyaha gobolka Banaadir tartan ka furay degmo ka tirsan Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Somalia oo amar ka soo saartay xaruntii hore ee Isbitaalka Deva (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Scott Morriso oo ku baaqay in wax laga qabto Baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---