Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin adag oo laxiriirta lamacaamiilka kooxda Shabaab udirtay nootaayooyinka magaaladda Muqdisho.
Qoraal caawa kasoo baxay wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen cabashooyin uga yimid shacabka, kuwaa oo xogtooda dhulal iyo guryo ay kala iibsadeen u gudbiyay kooxda Al Shabaab.
Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaana uga digtay maamulayaasha nootaayooyinka Muqdisho la macaamilka Al Shabaab iyo in xogta macaamiishooda u gudbiyaan kooxdaasi.
Nootaayooyinka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay marka guri ama boos lakala iibsaday kala wareejiyaan xogta macaamiisha wax kala iibsaday u gudbiyaan Al Shabaab oo degdeg ula soo xiriira macaamiisha kuna amra bixinta lacag canshuur ah.