Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Dhigiisa dalka Austria Ballanqaadna ka helay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Mudane Wolfgang Sobotka.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Dowladda Austria uga mahadceliyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in dalka ay ka jirto abaaro saameyn weyn ku yeeshay dadka, degaanka iyo xoolaha, islamarkaana dowladda dagaal kula jirto argigixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Mudane Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballanqaaday Dowladda Austria diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dagaalka lagula jiro argigixisada Al Shabaab iyo sidii kaalmooyin uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Madoobe, ayaa gabagabada kulanka sheegay in dagaalada lagula jiro Al Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay Dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si buuxda loo tageero dadka degaanka is abaabulay si guud ahaan dalka looga xorreeyo argigixisada Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hay’adda NISA oo Muqdisho keensatay Qalab qarsoodi ah lagu beegsanayo Mucaaradka !!

Cabdi Cade

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay dhigiisa Magaalada Ankara (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha ciidamada AFRICOM oo beeniyey warar lagu faafiyey baraha bulshadda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---