Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maalintii labaad safar qarsoodi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, waxaana safarka madaxweynaha kasoo baxaya warar kala duwan.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin safarka madaxweyne Xasan Sheekh ku aadan Dalka Imaaraadka , safarkan ayaana laga qariyay warbaahinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sida aan xogaha ku heleyno safarka qarsoodiga ah Madaxweyne Xasan Sheekh ku aaday Imaaraadka waxaa ku wehliya xubno katirsan madaxtooyada iyo wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa sidoo kale safarka qeyb ka ah xubno qoyskiisa katirsan.
Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in safarka madaxweynaha uu salka ku hayo kulamo uu la qaadanayo madaxda dalka Imaaraadka Carabta, si uu taageero ugu helo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.
Safarka maadxweynaha ayaa sidoo kale xogaha kale aan heleyno sheegayaan in salku ku hayo arrimo caafimaad , waxaana xogaha sheegayaan in madaxweynaha isku sameenayo baaritaan caafimaad oo dhameestiran.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa horey u tagay dalka Imaaraadka Carabta uu kula kulmay madaxda dalkaasi, waxaana madaxweynaha safarkiisa kusoo aadaya xilli uu taageero dhaqaale iyo mid milatari u raadinayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Magaalada Muqdisho waxaa kawada maqan saddexda masuul ee dalka ugu sareysa sida Madaxweynaha , Guddoomiyaha golaha shacabka iyo Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, masuuliyiintan ayaana safaro ugu kala maqan dalal kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com