Magaalooyin kuyaalla Dalka Ukraine waxaa ku socda duqeymo culus oo ay ku garaacayaan diyaarado dagaal ay adeegsanayaan ciidamada Ruushka, waxaana duqeymaha khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah.
Duqeymihii ugu dambeeyay oo khamiista maanta lagu garaacay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa geestay diyaarado dagaal oo ay ku jiraan kuwa lagu farsameeyay dalka Iiraan.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee ay samaysay dowladda Iran, ayaa duqeymo culus ka geestay magaalada Kyiv, waxaana diyaaradahan adeegsanayay milatariga Ruushka.
Duqeymaha lagu garaacay magaalada Kyiv waxaa ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Kyiv iyo duleedkeeda..
Weerarada Kyiv ayaa ahaa kuwa naadir ah kahor inta aan caasimada la duqeyn ugu yaraan afar jeer intii lagu jiray weeraradii waaweynaa ee Isniintii, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.
Duqeymaha ku socda magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine ayaa yimid kaddib markii qarax lagu burburiyay buundo isku xirta gobolka Cremeia iyo Ruushka , waxaana duqeymahan salka ku hayaan carro Ruushka ka qaaday qaraxaasi
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com