Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa la sheegay inay gantaalo ku weerareen garoonka dayuuradaha magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Telefishinka Xuuthiyiinta ayaa baahiyey sadex diyaaradood oo nooca drones-ka ay weerar gantaalo ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha Khamiistii.
afhayeen u hadlay dowlada Imaaraadka Carabta ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in haba yaraate uusan jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday garoonka dayuuradaha Abu Dhabi.
Balse Warar madax banana ayaa sheegaya inuu dhacay weerarkaasi ay Xuuthiyiinu qaadeen kaasoo la sheegayo inuu sababay hakad muddo kooban ku yimid duulimaadyada Garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Maalin ka hor ayey aheyd markii Kooxda Xuutiyiinta Yemen ay gantaalo ku weerareen maraakiib shidaalka qaada oo laga leeyahay dalka sacuudiga kuwaasoo marayey marinka Babel-mandeb, waxaana maraakiibtaas soo gaaray khasaare burbur oo aan sidaa u sii weyneyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ