Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Hamza oo u mahad celiyey danjire Sebastian Groth & dowladiisa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka u soo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth

Danjiraha oo fadhigiisu yahay Nairobi ayaa shalay Madaxweynaha dalka, mudane Xasaan Sheekh Maxamuud waxa uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beeraleyda Jaadka Kenya oo ku farxay Guul darada Farmaajo iyo Guusha Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Madaxweyne Museveni oo xaqiijiyay in Al-shabaab ay dileen askar ka tirsan ciidanka Uganda

Cabdi Cade

Kenya oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---