Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia & Boqortooyada Sacuudiga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira fududeynta..

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa kulan la qaatey safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulankan ayey Wasiirka iyo Safiirka uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada Dal ee arrimaha Xoolaha iyo tayeyntooda

Waxaa si gaar ah kulankan diirada loogu saaray dhoofinta Xoolaha Nool iyo Hilibkooda iyo sidii suuq geyn loogu sameyn lahaa Xoolaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa Safiirka uga warbixiyay dadaallada ay Wasaaradda ku bixisay xanaaneynta Xoolaha, ayna diyaar u tahay sidii Xoolaha loogu dhoofin lahaa Boqortooyada Sacuudiga.

Dalka Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka loo iib geeyo xoolaha Soomaalida, sidoo kale dalalka khaliijka sida imaaraadka iyo wadamo kale ayaa qaata xoolaha ka mid ah ilaha ugu waaweyn dhaqaalaha Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo la fasaxay iyo Guddiga Doorashada oo ka hadlay

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo go’aan cusub kasoo saartay Cumrada Ramadaanka

Cabdi Cade

Maraykanka oo War ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ku qaaday xerada Camp Simba

Caydiid Ali
Taboola Ads ---