Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowladaha Somalia iyo Norwey oo ka wadahadlay qodobo Muhiim ah

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqasho ku tegay aqalka Golaha Shacabka Norwey ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay xildhibaan Marian Hussein oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee isir ahaan Soomaali ah.

Ergeyga ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno ka kala socday xisbiyada kala geddisay iyo Ismacil Xusseen oo ah siyaasi ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee  magaalada Oslo.

kulanka oo sidoo kale ay warbaahintu maxalliga ahi qeyb ka aheyd ayuu Ergeygu kaga warbixiyay xaaladda Abaarta ee Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in xubnahaani gacan ka geystaan u qaareemidda arrimaha Soomaaliya iyo garab qabashadeeda.

Xildhibaannada oo wadahadal dheer la yeeshay Ergeyga ayaa si dareen le huga hadlay arrinka Soomaaliya iyada oo gaar ahaanna Xildhibaan Maryan ay muujisay sida Iyada iyo Xisbigeeduba ay horay iyo haddaba ugu dedaalayaan gacan siinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Related posts

Daawo Sawirro: Hormuud oo deeq gaarsiisay Maxaabiista Xabsiga Dhexe iyo Naafadda ciidamada Xogga

Cabdi Cade

Miisaaniyada Ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa oo laga shiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo go’aan la filayay ka gaaray Shirka Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---